Wasiir Axmed Shariif ayaa sheegay in dhibaatooyin dawo la’aaneed ay sabab u noqon doonto in inta badan ay xirmaan goobaha Caafimaad. Wuxuu hadlayay maalin kadib markii adduunka laga xusey maalinta xuska xanuunka Aids-ka.
Mar uu ka hadlayay faafista cudurka Aids ayuu sheegey in qaab nololeedka dadka, gaar ahaan dhibaatooyinka burcad badeeda ay sii kordhineyso halista faafista cudurka maadaamaa kooxaha burcad badeeda ay dumar badan iska kubsadaan, ama iyada oo aanan loo meeldayin iska guursada dumar badan.
Waxa uu intaa warkiisa ku daray Wasiirka in ay ku dadaaali doonaan wax ka qabashada arimahan si ayuu yiri loo bad baadiyo bad qabka Caafimaadka Bukaanada Isbitaalada Jiifa.



From the comments