Hawlgal habeenkii xalay ahaa ay sameeyeen ciidamada booliiska Afgooye ayaa waxaa lagu soo qabtay dhalinyaro gaareysa illaa 50, kuwaasi oo xabsiga loo taxaabay.
Xaafadaha hawlgalada laga fuliyey ayaa waxaa ka mid ah xaafadda Dhagaxtuur iyo 21-ka Oktoobar, waxayna ciidamada guryahooda kasoo bixinayeen dhalinyarada kadib tuhuno yimid.
Dhalinyarada qaarkood ayaa maanta lasoo siidaayay kadib markii wax cadeymo lagu waayay, halka kuwa kale wali la maraanmarayo.



From the comments