Agaasimaha Waxda Nafaadada ee Dowlada Hoose, Cabdicasiis Goodax Barre ayaa sheegay in xoolaha waddooyinka iska meeraya ay waddooyinka ka uruurin doonaan, una samayn doonaan xerooyin ay dowladda ku xanaaneyso haddii dadka xoolahaasi leh ay heysan kari waayaan.
Wuxuu sheegey in marar hore ay digniin u direen dadka xoolahaasi ama xayawaanka kalaba leh, balse wali ay xoolahani dhibaato weyn oo xagga nadaafadda ah ku hayaan magaalada.
Mar uu ka hadlayay qorshayaasha kale ee dowladda hoose ayuu sheegey in ay u degenyihiin qorshayaal 3 bilood iyo mid lix bilood ah, kan sedexda bilood ayuu sheegey in uu yahay in la qaado qashinka waaweyn, kan lixda biloodna ay ka shaqeeyaan sidii dadka ay ugu dhaqmi lahaayeen sharciga.



From the comments