Baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta kulan xasaasi ah ka yeelanaya mooshinka ka dhanka ah Ra’isulwasaare Cabdiwali Sheekh Axmed, wuxuuna qorshaha yahay in laga doodo mooshinka maanta.
Sida uu shalay sheegey guddoomiyaha baarlamaanka, kulanka baarlamaanka maanta waxa uu kulanka soconayaa labada galinba, waxaana laga yaabaa in lagu habeensado.
Waxaa lagu wadaa in marka uu kulanka furmo la qeybiyo magacyada xildhibaanada saxiixey mooshinka, kadibna waxaa la guda galayaa ka doodistiisa, iyada oo xildhibaanada ay mid mid usoo istaagi doonaan.



From the comments