Maxkamadda Darajada Koowaad ee Ciidamada Qalabka Sida ayaa maanta dil toogasho ah ku fulisey sadex nin oo horay maxkamaddu ugu heshay in ay dil geysteen, islamarkaana dil lagu xukumey.
Dadka dilka toogashada ah lagu fuliyay waxaa ka mid ahaa Ibraahim Cali oo lagu helay dilka wiil filim qaade ahaa oo lagu magacaabi jiray Sakariye Maxamed Maxamuud Cali, waxaa kale oo lagu helay dilka Dable Cali Mambuuq. Waxaa kale oo la toogtay Cabdullaahi Cartan Maxamuud oo ka tirsan ciidamada dowladda, laguna helay dilka Axmed Cabdiraxmaan Shariif.
Cabdifataax Axmed Cabdi ayaa toogasho lagu fuliyay, waxaana lagu helay dilka Maxamuud Xassan Maxamed.



From the comments