Xildhibaan Mayoow Mustaf oo ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya ayaa lagu dhaawacay degmada Xamar Weyne ee magaalada Muqdisho kadib markii kooxo hubeysan oo gaari watey ay weerareen xildhibaanka .
Wararka soo baxaya waxa ay sheegayaan in sidoo kale isla goobta lagu diley 4 qof oo la socdey xildhibaanka.
Kooxihii falka geystey ayaa meesha ka baxsaday, waxaana xusid mudan in uu falka ka dhacay meelaha amaankooda loogu illaalinta badanyahay ama degmooyinka amnigooda uu xasilanyahay ee magaalada Muqdisho.



From the comments