Dr. Daahir Mire Jabriil oo ka mid ah aqoonyahanada Soomaaliyeed ee ku nool dalka Maraykanka ayaa sheegay in mooshinkani haddii uu dhaqan galo oo la rido Ra’isulwasaare Cabdiwali Sheekh Axmed ay dhici karayso in Maraykanka iyo Midowga Yurub ay jaraan kaalmada ay siiyaan Soomaaliya taasoo culeys ku noqon karta shaqada hay’adaha dowladda iyo gar-gaar ah heli lahaayeen shacab Soomaaliyeed.
Wuxuu meesha ka saaray jiritaanka kaalmo muuqata oo xiligani umadda Soomaaliyeed iyo dowladda Federaalkaba ay ka helaan wadamada Carbeed iyo kuwa dariska ah, isaga oo xusey in meesha kaliya ee dowladda kaalmo ka hesho ay tahay wadamada Midoowga Yurub iyo Maraykanka, haddii ay jartaane ay caqabad weyn ku noqon karto hawlaha dowladda.
Wuxuu sheegey in adduunka ay Soomaaliya ku bixiso sanadkii 800 Malyuun oo doolar, taasi oo hadda halis ugu jirta in la jarto xili dowladda Soomaaliya aysan wali gaarin isku filnaansho.



From the comments