Mid ka mid ah waxgaradka deegaanka ayaa inoo sheegay in baryihii dambe ay deegaanka ka taagnayd cabsida la xariirta dilka xalay dhacay.
Wuxuu sheegey in wiilka la dilay uu ahaa beeraley, islamarkaasina moos uu beertiisa ka goostey uu ku rartay gaari, kaasi oo dhiiqo ka galay, kadibna gaarigii oo dhiiriga laga bixinayo ay u tageen rag hubeysan, kuwaasi oo wixii ay heysteene ka dhacay, wiilkana dilay.
Wuxuu sheegey in dhibaatada lagu hayo dadka beeraleyda ah, haddii ay noqon lahayd dhac, handadaad iyo waliba dil ay aad usoo korortey, ayna jirin cid wax ka qabanaysa.



From the comments