Odayaasha dhaqanka gobalka Hiiraan ayaa si kulul uga hadlay arimo badan oo ku aadan amniga guud ee gobalkaasi, iyaga oo sheegay in meelo badan oo Baladweyne ka mid ah amnigeeda uu aad u xumaaday.
Odayaashaan oo kulan ku yeeshay magaalada Baladweyne ayaa sheegay in maamulka gobalka Hiiraan iyo sidoo kale ciidamada AMISOM ay ka gaabiyeen wax ka qabashada amniga guud ee degmadaasi, sidaa darteedna loo baahan yahay in arimahaan deg deg wax looga qabto.
Nabadoon Iidoow Dhegaweyne oo ah gudoomiye ku xigeenka Odayaasha dhaqanka Hiiraan ayaa mar uu halkaasi hadal ka jeediyay sheegay in xaaladda ay tahay mid faraha kasii baxayso, meeli badan oo gobalka ka mid ahna ay u muuqato in aysan cidna ka talin.



From the comments