Baarlamaanka Puntland ayaa maanta u fadhiya u codeynta xeerka doorashooyinka Puntland oo isagu wax laga badalay, waxaana xeerkani uu kasoo gudbey golaha wasiiradda sanad ka hor.
Qodobada wax laga badalyo ee xeerka ku jira waxaa ka mid ah mid quseeya xil ka qaadista xubnaha gudiga iyo shuruudaha ay xilka ku weyn karaan iyo cidda xilka ka qaadi karta.
Kalfadhiga 34-aad ee Golaha Wakiillada Puntland oo ajendayaashiisa ugu muhiimsanaayeen la xisaabtanka xukuumadda iyo hay’adaha kale ee dowliga ah, ammaanka, miisaaniyadda sanadka 2015 iyo dhaqaalaha, wuxuu soo xirmi doonaa sagaalka bishan socota ee December.



From the comments