Ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa maanta xiray wadooyin badan oo ku yaala magaalada Muqdisho, maadaama ay kulan leeyihiin xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya.
Waxaa la arkayaa ciidamo badan oo wadooyinka taagan, iyadoona maanta qaabka ay wadooyinka u xireen ka duwan yahay sidii hore.
Wadada dheer ee Makka Al-mukarrama waxaa maanta laga xiray Isgoyska Jubba, halka horay liooga xiri jiray Tiyaatarka, waxaana ciidamada ay joogaan ilaa wadada Shaqaalaha.



From the comments