Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Shiikh Maxamuud ayaa cambaareeyey weerar is-qarxin ah oo galabta lagu qaaday makhaayad ku taalla Baydhabo.
“Falkan isqarxinta ah ee lala bartilmaameedsaday dad shacab ah oo aan waxba galabsan, waxay ina tuseeysaa cadaawadda iyo naflacaariga kooxaha nolol diidka ah oo damacoodu yahay in ay wiiqaan nabadda iyo horumarka shacabka Soomaaliyeed” ayuu yiri Madaxweynuhu.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Shiikh Maxamuud wuxuu tacsi u diray ehelada dadkii iyo nafwaayay weerarka iyo dhammaan ummadda Soomaaliyeed. “Dadka dhintay waxaan Eebbe uga baryayaa inuu jannadii fardowsa ka waraabiyo dadka dhaawaca ahna uu caafimaad deg deg ah siiyo,” ayuu raaciyay Madaxweynuhu.



From the comments