Waxaa maanta lagu wadaa in degmada Caabudwaaq ee gobalka Gal-gaduud uu ka furmo shir nabadeed la doonayo in lagu xaliyo dagaal beeleed maalmahaan dambe kusoo laab laabtay gobalkaasi iyo deegaano kale oo ku dhaw.
Madaxa Arimaha Bulshada maamulka dowladda Soomaaliya ee degmada Caabudwaaq ayaa u sheegay Goobjoog Fm, in maanta halkaasi ay imaan doonaan ergooyin ka kala socda degmooyinka Balanbale iyo Xiraale kuwaa oo ka wada hadli doona sidii loo heshiisiin lahaa Laba Beel oo wada dega deegaanadaasi oo dhawaan dagaalamay.
Mas’uulkaan ayaa sidoo kale sheegay in ay ka shaqeynayaan ka maamu lahaan Nabadda iyo sidoo kale isdhexgalka Bulshada, isaga oo rajo ka muujiyay natiijo ay kasoo baxdo shirkaan maanta furmi doona.



From the comments