Goobjoog

Ururka Suxufiyiinta Puntland ee MAP oo Cambaareeyey Wariyeyaasha ku Waxyeeloobey Qarixii Baydhabo

Gudoomiyaha Ururka Suxufitiinta Puntland (MAP) Faysal Khaliif Barre oo shir jaraa’id ku qabtay magaladda Garowe ayaa cambaareeyay qaraxii xalay ka dhacay magaladda Baydhabo xarunta Gobalka Baay, wuxuna dowladda dhexe iyo…

Feysal BarreGudoomiyaha Ururka Suxufitiinta Puntland (MAP) Faysal Khaliif Barre oo shir jaraa’id ku qabtay magaladda Garowe ayaa cambaareeyay qaraxii xalay ka dhacay magaladda Baydhabo xarunta Gobalka Baay, wuxuna dowladda dhexe iyo mamuladda dalka jiraa ugu baaqay inay ilaaliyaan Amniga wariyayaasha.

Sidoo kale waxa uu tacsi u diray qoysaskii ay ka geeriyoodeen wariyayaasha isagoona muujiyay inay aad uga yihiin waxyeelada suxufiyiinta.

Illaa 3 wariye ayaa shalay ku geeriyoodey qarax ismiidaamin ahaa oo ka dhacay Baydhabo, kuwa kalana waa ay ku dhaawacmeen.

 

 

Dhageyso

 

Goobjoog News

Goobjoog Newsletter

Ka hel Goobjoog wixii cusub.

Warar iyo falanqayn, iimaylkaaga.

From the comments