Ra’yi uruurin ay sameysey Goobjoog kadib amarkii Xeer Illaaliyaha Guud uu shalay soo saaray ee wasiirada ka mabnuucayay in golaha wasiirada ay dalka ka safraan xil wareejin la’aan ayaa waxa ay muujineysaa in dadka intooda badan ay la dhacsanyihiin amarka soo baxay.
Qaar ka mid ah dadkii aan aragtidooda weeydiiney ayaa sheegey in ay aad ugu faraxsanyihiin go’aanka xeer illaaliyaha, waxaana dadka nala hadlay ka mid ah Col. Cirro oo yiri “Waxa ay arrintani ka mid tahay heykalkii ka dhimanaa dowladnimadii Soomaaliya, waana arrin loo baahayahay” ayuu yiri.
Mar dadka wax aan ka weeydiiney arrinka ah in wasiirada intooda badan ay yihiin xildhibaano heysta xasaanad, islamarkaasina uusan amarkani qaban karin ayaa waxa ay ku baaqeen in xasaanadda laga qaado qofkii wax is dabomarin ay ku cadaato.



From the comments