Wafti balaaran oo uu hogaaminayo xoghayaha guud ee wasaaradda arrimaha gudaha dowladda federaalka ayaa gaaray magaalada Jowhar, halkaasi oo xaflad balaaran oo soo dhaweyn ah loogu qabtay.
Waftiga dowladda ayaa waxa ay Jowhar geeyeen xubno cusub oo lagu dhameystirayo maamulka gobolka Shabeelada Dhexe sida guddoomiye ku xigeeno dhawr ah, Hanti Dhawrka Guud ee gobolka iyo Guddoomiyaha degmada Jowhar.
Mas’uuliyiinta cusub ayaa mid mid looga yeeriyey magacyadooda iyo xilalka ay hayaan, iyada oo uu u dhacay sacab badan.



From the comments