Shil Gaari ayaa gelinkii dambe ee shalay waxa uu ka dhacay duleedka magaalada Baladweyne ee xarunta gobalka Hiiraan, kaa oo waxyeelo ay kasoo gaartay dad shacab.
Shilkaan ayaa ka dhashay Laba Gaari oo nooca xamuulka qaada ah oo isku dhacay, ka dib xawaare ay ku socdeen Labadooda, waxaana ku dhaawacmay 12 qof, oo dhamaan lasoo gaarsiiyay Isbitaalka magaalada Baladweyne.
Dhaqaatiirta Isbitaalka Baladweyne ayaa u sheegay Goobjoog Fm, in 4 qof oo ka mid ah dadka dhaawaca qaba xaalad ahaan ay aad u liitaan, halka kuwa kale xaalad ahaan ay aad u roonyihiin.



From the comments