Maamulka deegaanka Xananbuure ee gobalka Gal-gaduud ayaa ugu baaqay shacabka reer Guuraaga ah ee haatan ku sugan deegaanada ku dhaw deegaankaasi in si nabad ah ay ku wada noolaadaan, maadaama xilliyada roobka dadka reer Guuraaga ah isku dilaan arimo daaqsinka la xiriira.
Ceydiid Maxamuud Cosoble oo ah gudoomiyaha dowladda ee deegaankaasi ayaa sheegay in qoysaska ku dhaqan deegaanada hoostaga degmadaasi iyo sidoo kale dadka hadda deegaanadaasi usoo naq raacay in ay nabad ku wada noolaadaan, oo aysan dhicin dhibaatooyin dhexdooda ah.
Gudoomiyaha ayaa sheegay in ay u tageen dadkaasi, ayna u sheegeen in nabadda ay wanaagsan tahay oo aysan dhicin in lagu dagaalamo daaqsin ama wax la xiriira, ayna noqdaan dad ka wada faa’ideysta qeyraadka.



From the comments