Maamulka degmada Xudur ee gobalka Bakool ayaa faah faahin dheeraad ah ka bixiyay howlgalo ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ka wadaan deegaano badan oo hoostaga degmadaasi.
Maxamed Macalin oo ah gudoomiyaha degmadaasi oo u waramay Goobjoog Fm, ayaa sheegay in degmada amaan ahaan ay wanaagsansan tahay islamarkaana ciidanka ay yihiin kuwo wada howlgalo.
Gudoomiyaha ayaa intaasi hadalkiisa ku daray in ay ku guuleysteen furista wadooyin badan oo soo galayay degmadaasi, ayna la dagaalameen rag ka mid ah Al-shabaab oo jidadka xirtay waa sida uu hadalka u dhigaye.



From the comments