Inta badan barasaabyada degmooyinka dalka Kenya ayaa sheegey in ay taageersanyihiin go’aanka madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta ee ah in ciidamada dalkaasi ay sii joogaan Soomaaliya xili ay jiraan baaqyo ka imanaya xisbiyada mucaaradka oo ah in dalka laga soo saaro.
Illaa 20 ka mid ah guddoomiyeyaasha lasoo doortey ee degmooyinka Kenya, iyo waliba guddoomiyaha golaha barasaabyada Kenya Isack Ruto ayaa war ay soo saareen ku sheegey in wali ciidamada Kenya aysan gudanin hawshii ay Soomaaliya u tageen.
Laakiin qaar kale oo ka mid ah guddoomiyeyaasha sida gudoomiyaha degmada Tana River Xuseen Dado ayaa dalbaday in ciidamada Kenya ay kaga soo baxaan Soomaaliya sida ugu dhaqsiyaha badan, isaga oo intaasi ku daray in Kenya ay awoodi weysey in ay difaacato amnigeeda.



From the comments