
Professor Yaxye Cali Ibraahim oo ah Hormuudka Jaamacadda SIU ee magaalad Muqdisho ayaa ka hadlay go’aankii xeer ilaaliyaha qaranka ee ku aadanaa in aanay safri karin wasiirada xukuumada uu hogaamiyo Cabdiweli Sheekh Axmed oo shalay waayay Kalsoonida Baarlmaanka Soomaaliya.
Waxa uu sheegay in ay tahay ciqaab socdaal laga joojiyo wasiir ama xildhibaan, taasna ay ku imaan karto go’aan cad oo kasoo baxa maxkamada waa sida uu hadalka u dhigaye.
“In safar laga joojiyo qof wasiir ah waxay u baahan tahay go’aan maxkamadeed, waa ciqaab mar hadii ciqaab tahayna waxaa jirta dambiyo ciqaab lagu mutaysan karo iyo kuwa aan lagu mutaysan karin, dalal waajiraan madaxdooda safarada laga joojiyo ama dalal shisheeye haka joojiyaan oo hadhahaan dambi ayaa lagu soo oogay, ama ha jiraano madaxdooda kale oo ka sareysa dalka inay iyaguna dhahaan tuhun la qabaan awgiis, hebel iyo hebel safar dibadda ma aadi karaan ilaa inta maxkamada ka dhamaaneyso, balse hadda ma jirto dacwad ka dhan ah golaha wasiirada oo ogolaanayso in safaradooda la adkeeyo”



From the comments