Wasaaradda Caafimaadka Maamulka Puntland ayaa Dhaqaatiir look ala qeybiyay Seddax Koox waxay u dirtay deegaanada gobalka Sool ee aan Isbitaaladu la hayan, taa oo qeyb ka ah balanqaad ay wasaaraddu horay u sameysay.
Magaalada Garoowe ee xarunta gobalka Nugaal waxaa ka dhacday munsaabad lagu sagoontiyay dhaqaatiirtaan, taa oo ay ka qeyb galeen xubno ka socda wasaaradda Caafimaadka Puntland iyo sidoo kale wakiilo ka socday Hay’adda UNFPA oo bixisay dhaqaalaha ku baxaya howshaan caafimaad.
Agaasimaha guud ee wasaaradda caafimaadka Puntland Dr Cabdirisaaq Xirsi Xasan wuxuu sheegay barnaamijkaan in uu qeyb ka yahay mashruuca dardar galinta adeega caafimaadka hooyada iyo dhallaanka, kaas uu dhawaan xariga ka jaray madaxweynaha maamulka Puntland Dr Cabdiweli Maxamed Cali.



From the comments