Maamulka degmada Buurhakaba ee gobalka Bakool ayaa sheegay in ciidamada dowladda ay bilaabeen howlgal balaaran oo ay ku doonayaan inay kusoo qabtaan dadkii ka dambeeyay dilka gudoomiyahii degmadaasi.
Maxamed Cali Maankaaloow oo ah gudoomiye ku xigeenka degmadaasi ayaa u sheegay Goobjoog Fm, in ciidamada ay ku dhaqaaqeen halkii lagu beegsaday gudoomiyaha, sidoo kalena ay jiraan dad la tuhmayo, islamarkaanka la baadi goobayo waa sida uu hadalka u dhigaye.
Gudoomiye ku xigeenka ayaa dhanka kale sheegay in wasaaradda arimaha gudaha ee dowladda Soomaaliya ka sugayaan in ay kala shaqeyso soo qabashada dadkii ka dambeyay dilka gudoomiyaha.



From the comments