Siyaasiga Soomaaliyeed Cabdi Xaashi Cabdisalaan ahna gudoomiyaha Xisbiga Wadani ayaa ugu baaqay madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud in uu ka fiirsado Ra’iisul wasaaraha cusub ee uu soo magacaabi doono.
Waxa uu sheegay Siyaasigaan isaga oo lasoo xiriiray Goobjoog in Madaxweynaha uu soo magacaabo shaqsi ay aad isku fahamsanyihiin, islamarkaana aanu imaan khilaaf ilaa inta laga gaarayo hiigsiga 20160-ka.
“Cabdiweli waxa uu ahaa Ra’iisul wasaarihii Labaad ee Kalsoonida lagala laabto, dadkana baqdin kale ayeey sii qabaan, si taas looga gudbo madaxweynaha waxa uu haystaa fursad ah inuu soo magacaabo Ra’iisul wasaare ku aragti ah, kaas oo shaqo wanaagsan wada qabtaan ilaa hiigsiga 2016, laakiinse hadii ay dhacdo in hadane uu soo magacaabo shaqsi kale oo ay kala aragti yihiin, taasi waxay keeni doontaa niyad jab mar kale shacabka soo wajaho” ayuu yiri siyaasi Cabdi Xaashi.



From the comments