Degmada Dhoobleey ee gobalka Jubada Hoose waxaa soo gaaray dadkii ugu horeeyay ee Qaxooti Soomaaliyeed ah kuwaa oo in ka badan 20 sano ku noolaa Xerayaha Qaxooti ee Dalka Kenya.
Hay’adda Qaxootiga u qaabilsan Qaramada Midoobay ee UNHCR ayaa horay u sheegtay cid walba oo dalbata in dib loogu celiyo dalkeeda laga caawin doono midaasi.
Dadkaan oo tiro ahaan gaaraya Boqol ayaa si iskood ah isku soo diiwaan geliyay, waxaana dadkaasi ay sheegeen in ay doonayaan dalkooda oo muddo badan ugu dambeysay inay ku noolaadaan.



From the comments