U bood dhigaalka

Maamulka Degmada Jowhar Oo Ka Horyimid Wareegto Ka Soo Baxday Xafiiska Wasaaradda Arimaha Gudaha (Dhageyso)

Sheeko:Dalka

JowharMaamulka degmada Jowhar ee Xarunta gobalka Shabeelaha Dhexe ayaa kasoo horjeestay wareegto kasoo baxday Wasaaradda Arimha Gudaha iyo Federaalka Xukuumada Soomaaliya.

Maxamed Amiin Xaaji Caqiil oo ah gudoomiyaha Degmada Jowhar oo u waramay Goobjoog Fm, ayaa sheegay in aysan aqbali doonin Wareegtada dhawaan ka soo baxday xafiiska Wasaaradda Arimaha gudaha oo xilal lagu magacaabay.

“Qofka Markii Xil loo magacaabayo waxaa la rabaa in meesha uu joogo qofkii xilka laga qaaday, laakiinse agaasimihii Wasaaradda Arimaha gudaha intuu yimaado, isaga oo og in aynu shaqo ku maqannahay uu hadana keeno wareegto uu leeyahay xilka ayaa la’idiin kaga qaaday” ayuu yiri Gudoomiyaha Jowhar.

Gudoomiyaha degmada Jowhar ayaa sheegay in marnaba aanu aqbali doonin xilka laga qaaday, waxaana uu sheegay in wareegtada xilalkaan lagu magacaabay ay kasoo baxday wasaaradda Arimaha gudaha, sidoo kalena iyagu meesha ay ku joogaan digreeto Madaxweyne.

“Madaxweynaha magacaabistiisa ayaan ku joognaa, isaga waxa uu noo keenay wareegto ka timid wasaaradda Arimaha gudaha, mida kale Madaxweynaha ayaa amar ku bixiyay in xil aan la magacaabi karin, cid kalena aan shaqada laga joojin karin” ayuu hadalkiisa raaciyay.

Waxaa dhawaan la magacaabay xilal cusub oo maamulka gobalka Shabeelaha Dhexe ah, waxaa taasi kasoo horjeestay xubno arintaasi ka mid ah.

Halkaan Hoose ka dhageyso Wareysiga.

 Goobjoog News