Madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa maanta booqday dadkii dhawaan ku dhaawacmay Qarayxo Ismiidaamin ah oo dhawaan ka dhacay magaalada Baydhaba ee Xarunta Gobalka Bay.
Shariif Xasan ayaa mid mid u dul Istaagay 13 Bukaan oo weli ku jira Isbitaalkaasi, ka dib markii qaarkood Muqdisho loo soo qaaday, halka kuwo kalena xaafadahooda loo celiyay.
Agaasimaha Isbitaalka Baydhaba Cabdulaahi ayaa sheegay in weli ay wadaan la tacaalidda dhanka caafimaadka Bukaanada ku jira Isbitaalkaasi, isaga oo sheegay in ay ku farxeen booqashada Madaxweynaha Koonfur Galbeed.



From the comments