Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in qaab casri ah hadda loo dhisayo garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho, iyadoo halkaasi shalay uu kormeer ku tagay.
Waxa uu tilmaamay marka dhismaha lagu dhameeyo Garoonka Aadan Cadde in uu la mid noqon doono kuwa ugu casrisan ee Afrika.
Shacabka Soomaaliyeed ayuu Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ugu baaqay in ay dhowrtaan hanitadooda kana taxadaraan wax walba oo waxyeelo u keeni kara bilicda loo sameynayo Garoonka Muqdisho.












From the comments