Saraakiisha maamulka KMG ee Jubba ayaa faah faahin dheeraad ah ka bixiyay howlgal ay ciidamada maamulkaasi ka sameeyeen magaalada Kismaayo ee xarunta gobalka Jubada Hoose.
Howlgalkaan ayaa ka dhacay Kismaayo iyo sidoo kale deegaanada ku dhaw sida Buulo-gaduud, iyadoo lasoo qabtay dad lagu tuhunsan yahay in ay ka mid yihiin Al-shabaab.
Baaritaanka ayaa xoogiisa ka dhacay duleedka magaalada gaar ahaan halka laga soo galo, waxaana saraakiisha sheegeen in ay qabteen ilaa 13 qof oo lagu tuhun san yahay in ay Al-shabaab ka mid yihiin.



From the comments