Wararka haatan nasoo gaaraya ayaa waxay sheegayaan in koox hubaysan ay dileen mid ka mid ah Mas’uuliyiinta Jaamacadda SIMAD ee magaalada Muqdisho.
Marxuumka la dilay ayaa lagu magacaabaa Ibraahim Maxamuud Xaamud kaa oo ahaa ku simaha Gudoomiyaha Jaamacadda SIMAD ahna kaaliyaha Gudoomiye ku xigeenka Jaamacadaasi ee Arimaha Waxbarashada.
Waxaa lagu dilay Marxuumka inta u dhaxeysa Isgoysyada Bakaaraha iyo KPP ee degmada Hodon Magaalada Muqdisho.



From the comments