Wararka ka imaanaya xaafadda Juungal degmada Yaaqshiid ee Magaalada Muqdisho ayaa waxay sheegayaan in hakaasi ay ku dhinteen 6 qof, iyadoo sidoo kale Isbitaalada loola cararay Boqolaal qof ka dib markii ay cabeen biyaha ceel la sheegay in dhawaan la qoday.
Dadka xaafadda ayaa markii ay wada cabeen biyaha ayaa la sheegay in ay ay lasoo boodeen Matag iyo Shuban biyood, ka dibna dadka loola cararay Isbitaalada.
Xalay ilaa hadda waxaa socda gurmad xoogan, dadka badi waxaa la geeyay Isbitaalka Carafaat, iyadoona tani ay ka dambeysay markii tubooyinka dadka biyaha ka qaadan jireen lagu wareejiyay ceel cusub oo dhawaan la qoday.



From the comments