Kudlad cusub oo ay ku mideysanyihiin illaa 100 xildhibaan oo lagu magacaabo Badbaado ayaa maanta waxa ay saxaafadda u sheegeen in madaxweynaha uu ku gacan seyrey talooyin ay u jeediyeen oo ku saabsan dhismaha xukuumadda soo socota.
Xildhibaan Cabdiwali Maxamed Qanyare Afrax oo u hadlay kudladda ayaa sheegey in madaxweynaha ay la kulmeen 9-kii bisha iyaga oo ah 25 xildhibaan oo ay iska soo dhex xuleen, una soo jeediyeen in xukuumadda lasoo dhisayo ay noqoto mid wadaag ah, balse uu taladaasi diidey madaxweynaha.
“Madaxweynaha waxa uu nagu yiri xukuumadda Ra’isulwasaaraha ayaa xaq u leh soo magacaabisteeda, Ra’isulwasaarahana aniga ayay ii taalaa qofka aan u magacaabayo” ayuu yiri xildhibaan Qanyare.



From the comments