Maamulka degmada Cabdicasiis ee Gobalka Banaadir ayaa sheegay in isbedal dhanka amaanka ah laga dareemayo degmadaasi, islamarkaana ciidamada xilli walba ay howlgalo sameeyaan.
Gudoomiye ku xigeenka dhanka arimaha bulshada ee degmadaasi Maxamuud Cabdulaahi Axmed oo u waramay Goobjoog Fm, ayaa sheegay in habeen walba xilliga saqdii dhexe ay sameeyaan roondo ciidan oo uu sheegay in lagu tago dhamaan Afarta waaxood ee degmada.
Sidoo kale gudoomiye ku xigeenka ayaa inoo sheegay in amniga uu yahay mid la’isku haleen karo, shacabka, ciidanka iyo maamulka degmada Cabdicasiisna wada shaqeyn uu ka dhaxeeyo.



From the comments