Maamuka degmada Tiyeegloow ee gobalka Bakool ayaa sheegay in cadaaladda ay horkeeni doonaan dadkii ka dambeeyay dil loo geystay ilaa 5 Haween ah kaa oo ka dhacay degmadaasi.
Maxamed Cabdalle Xasan oo ah gudoomiyaha Tiyeegloow ayaa isaga oo u waramay Goobjoog Fm, waxa uu sheegay in ay hadda daba joogaan askar ka dambeysay dilkaasi, ayna gacanta ku hayaan Laba ka mid ah Askarta.
Gudoomiyaha ayaa tilmaamay in falka lagu dilay Haweenkaan ay aad uga xumaadeen, waxaana uu sheegay in dadkii dilkaasi ka dambeeyay ay dhankooda sheegayeen in ay u aargudayaan Laba Haween ah oo isla shalay duleedka degmadaasi Al-shabaab ku gawraceen.



From the comments