Maamulka gobalka Banaadir ayaa shaaca ka qaaday tirada rasmig ah dadkii ku dhintay maanta xaafadda Juungal Degmada Yaaqshiid ee gobalka Banaadir, ka dib markii ay ku sumoobeen biyo ay cabeen.
Gudoomiye ku xiogeenka dhinaca siyaasadda ee maamulka gobalka Banaadir ayaa sheegay in hadda loo xaqiijiyay in ay dhinteen 8 qof, sidoo kalena dadka xanuunsanaya ay ka badan yihiin 100 qof.
Gudoomiye ku xigeenka ayaa sheegay in ay wadaan dadaalo xoogan oo dadkaasi loogu gurmanayo, isaga oo carabka ku dhuftay sidoo kale in la baarayo qaabka ay dadkaan u sumoobeen.



From the comments