Dad ilaa boqol ruux gaaraya ayaa la geeyay goobaha caafimaad ee u dhaw degmada Yaaqshiid ee gobolka Banaadir kadib markii ah ku Sumoobeen biyo Ceel oo ay cabeen.
Kalkaaliye ka tirsan Isbitaal Carafaad oo la hadlay Goobjoog News ayaa sheegay in hal qof uu maanta u geeriyooday xanuunka, isagoo intaa raaciyay in dadka Isbitaalka jiifa ay u badan yihiin Caruur iyo Haween.
Kalkaaliyaha ayaa sheegay in dadkan uu ku dhacay fuuq bax, isla markaana ay ka muuqato dareen niyad jab ah.



From the comments