Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari ayaa shir gudoomiyay kulan arimo badan looga hadlay oo ay yeesheen gudiyada joogtada ah ee Baarlamaanka Soomaaliya.
Kulankaan oo arimo badan lagu falanqeynayay waxaa ku wada sugnaa dhamaan gudoomiyaasha gudiyada Joogtada ah, iyadoo arimaha laga hadlay ay ka mid ahayd shaqooyin badan oo Baarlamaanka laga sugayo.
Xoghayaha guud ee Baarlamaanka Cabdi Kariin Xaaji Cabdi Buux ayaa sheegay in kulankaan uu ahaa mid looga hadlay arimaha ku aadan shuruuc badan oo horyaala baarlamaanka iyo sida loo kala hormarin lahaa.



From the comments