Maalintii Labaad waxaa hawada ka maqan Isgaarsiinta degmooyin ka mid ah gobalka Bay iyo Gedo, ka dib markii Al-shabaab ay Albaabada isugu dhufteen xarumaha Isgaarsiinta.
Xarumaha Shirkadda Isgaarsiinta Hormuud ee degmooyinka Baardheere, Ceelwaaq, Diinsoor iyo Ufuroow ayaa weli hawada ka maqan ka dib shalay ciidamo ka mid ah Al-shabaab oo xarumahaasi tagay, ka dibna hawada ka saaray Isgaarsiinta.
Isgaarsiintaan hawada ka maqan waxa ay saameyn xoogan ku yeelatay shacabka degan degmooyinkaasi.



From the comments