
Madaxweynaha maamulka Gal-mudug State Cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid ayaa kulamo la yeeshay Waxgaradka iyo Qeybaha kala duwan Bulshada ku dhaqan gobalka Mudug.
Qeybdiid oo dhawaan halkaasi dib ugu laabtay ayaa socdaal kusoo maray deegaano badan oo ka mid ah gobalka Mudug, waxaana halkaasi uu kula kulmay dad aad u badan.
Gudoomiyaha Gobaka Mudug ee maamulka Galmudug Aweys Cali Saciid oo u waramay Goobjoog Fm, waxa uu sheegay in Madaxweynaha maamulkooda uu kulamadaan kusoo hadal qaadayay sida bulshada ay u taageeri lahayd maamulka la doonayo in loo dhiso gobalada Mudug iyo Gal-gaduud.



From the comments