Philippe Lazzarini, oo ah isku-duwaha Qaramada Midoobay Arrimaha Bini’aadanimo ee Somaaliya ayaa ka digay in xaalada bini’aadanimo ee Somaaliya ay si weyn uga sii dari doonto sanadkan, waana digniintii ugu horeysay ee uu soo saaro tan iyo markii ay dhammaatay macluushii ka dhacday dalka sanadkii 2011kii.
Xaalada bini’adanimo ee dalkan ku yaala geeska Africa waa mid sii xumaaneysa kadib markii ay is-biirsadeen qilaaf, abaaro, daadad, iyo qiimaha raashinka oo sare u kac ku yimid iyo weliba hay’adihii gar-gaarka oo aysan u sahlaneyn iney gar-gaar bini’aadanimo gaarsiiyaan dalka, sidaana waxaa saxaafada u sheegay afhayeenka qaramada midoobay ninka lagu magacaabo Stephane Dujarric oo markaasi soo xiganaya Philippe Lazzarini oo ah isku-duwaha Qaramada Midoobay arrimaha bini’aadanimo ee Soomaaliya.
Stephane Dujarric wuxuu intaas ku daray in ka badan 3 million oo Soomaali ah ay u baahan yihiin gar-gaar bini’aadanimo oo deg-deg ah waxaana dadkaas gar-gaarka u baahan ka mid ah 1 million oo qof kuwaasoo aan xataa heli Karin baahida maal-meed oo ay u qabaan iney helaan raashin ku filan.



From the comments