Soomaalida ku sugan Xeryaha Qaxooti ee ku yaalada dalka Kenya, qaarkood ayaa xilligaan waxay isku diyaarinayaan in ay dib ugu soo laabtaan dalkooda, ka dib markii loo sheegay in cid walba oo diyaar u ah in lasoo celiyo laga saacidi doono arintaasi.
Waxaa xafiisyo ku shaqo leh in laga diiwaangaliyo dadka doonaya inay soo laabtaan laga furay xeryaha ay ku nool yihiin ee dalkaasi, waxaana la arkayaa Soomaali badan oo is diiwaan gelinaysa
Mudadii ay dalka uu ka socday dagaalada waxaa jiray dad badan oo halkaasi gaaray, waxaana dadka qaar laga qaaday xeryahaan oo loo qaaday dalalka dibadaha ah, halka kuwo kalen aya la qabsadeen nolosha meeshaasi.



From the comments