Taliyaha ciidamada Booliska gobolka Shabeelada Hoose Cabdinuur Isaa ayaa Goobjoog u sheegey in amnigii magaalada Marka uu faraha ka baxayo amnigii magaalada Marka , halkaasi oo uu sheegey in ay ku suganyihiin kooxo kale duwan oo hubeysan.
Wuxuu sheegey in dagaalyahano Alshabaab ah ay dhinac kaga suganyihiin, dhinac kalana ay kaga suganyihiin maleeshiyo beeleedyo hubeysan oo aanan jirin cid ay hoos tagaan, labadaasi oo is biirsadayna ay sii xumeynayaan amniga magaalada.
Mar uu ka hadlayay toogasho halkaasi ka dhacday oo ay dad rayid ah ku dhinteen, ayuu sheegey in illaa 2 qof ay dhinteen, qofna uu dhaawacmey kadib rasaas ay fureen ciidamada AMISOM.



From the comments