Wafti sare oo ka socda wasaaradda arrimaha gudaha oo maalmahan ku sugnaa magaalada Baladweyne ayaa maanta kormeerey goobo muhiim ah oo ku yaala magaaladaasi, waxayna saxaafadda u sheegeen in ay aad ugu farxeen waxyaabihii ay soo arkeen.
Waftigan oo ay hogaamineyso agaasimaha horumarinta iyo maamul wanaagga wasaaradda arrimaha gudaha Canab Axmed Ciise ayaa waxaa kormeerka ku wehliyey guddoomiyaha gobolka Hiiraan Cabdifataax Xassan Afrax, meelaha ay soo kormeereene waxaa ka mid ah xerada ciidamada Lama Galaay oo dib u dhis lagu saameyey iyo suuqyo uu dhawaan dhisme ka bilaabay maamulka.
Waftigani ayaa Baladweyne u tagay ka qeybgalka shir wadatashi ah oo maalmahan ka socdey magaalada Baladweyne, kaasi oo looga arrinsanayay aayaha gobolka.



From the comments