Gudoomiyaha gobalka Gal-gaduud ee dowladda Soomaaliya Xuseen Cali Wehliye Cirfo oo goordhaw saxaafadda kula hadlay degmada Dhuusamareeb ee gobalkaasi ayaa ka hadlay dagaalo ka socda Gal-gaduud, kaa oo u dhaxeeya ciidamada dowladda Federaalka ee Soomaaliya iyo kuwa Ahlu-sunna Waljameeca.
Gudoomiyaha ayaa sheegay in dagaaladaan ay wadaan dad uu ku sheegay in ay shacabka u horseedayaan dhibaato iyo fowdo ka bilaabata gobalka Gal-gaduud.
Waxa uu tilmaamay in dagaalkaan ay Ahlu-sunna uga golleeyihiin arbushaad uu sheegay in ay la doonayaan maamulka loo sameynayo gobalada Mudug iyo Gal-gaduud.



From the comments