Afayeenka wasaaradda amniga qaranka oo maanta saxaafadda usoo bandhigey 9 nin oo lagu tuhunsanyahay in ay ka tirsanyihiin shabakad ama unug u qaabilsan Alshabaab dhanka daabulista iyo kala gooshinta hubka iyo dagaalyahanada falalka ka geysta gudaha magaalada Muqdisho, ayaa sheegey kooxdani ay adeegsato Gaari-Dameero iyo Doomo.
Afayeenka ayaa sheegey in raggani ay gaadiidka dameeraha ay ku daabulaan hubka iyo saanada kale ee loo geeyo dagaalyahano ka tirsan Alshabaab oo uu sheegey in falal kala duwan ay a geystaan Muqdisho, wuxuu intaasi ku daray in ujeedka isticmaalka gaadiidkani uu yahay in looga dhuunto baraha koontarool ee wax lagu baaro marka caasimadda lasoo galayo ama laga baxayo.
Waxa kale oo uu sheegey in shabakadani ay isticmaasho doomo ay wabiga kaga taloowsiiso dagaalyahanada Alshabaab iyo saanadooda marka ay kasoo gudbayaan gobolka Shabeelada Dhexe meelo ka mid ah.



From the comments