
Waxaa maanta la filayaa in baarlamaanka dalka ay hortagaan xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka iyo sidoo kale Hanti Dhowrka Guud, ka dib markii shalay gudoonka baarlamaanka u yeeray.
Xildhibaanada baarlamaanka dalka ayaa mooshin ka keenay Xeer Ilaaliyaha Qaranka Dr. Axmed Cali Daahir iyo Hanti dhowrka Guud Dr Nuur Faarax, waxaana la doonayaa in wax laga weydiiyo arimo ku aadan qoraalkii dhawaan ay socdaalka uga joojiyeen wasiirada xukuumadii cabdiweli ee Kalsoonida lagala laabtay.
Sidoo kale waxyaabaha mas’uuliyiintaan wax laga weydiin doono waxaa ka mid ah Xariga Agaasimahii wasaaradda Haweenka iyo Xuquuql Insaanka xukuumada Soomaaliya, ka dib markii lagu eedeeyay ku takri fal awoodeed sida saxaafadda ay u sheegtay wasiiradda wasaaradaasi Khadiijo Maxamed Diiriye.



From the comments