Wararka saaka ka imaanaya degmada Dhuusamareeb ee Gobalka Gal-gaduud ayaa sheegaya in halkaasi uu ka socdo barakac ay sameynayaan dadka shacabka ah.
Dadka shacabka ah ayaa la arkayaa iyaga oo guryahooda isaga baxaya, ka dib markii ay ka baqeen in saameyn uu ku yeesho dagaalka soo laab laabtay Labadii Maalin ee lasoo dhaafay kana dhacay degmada Dhuusamareeb.
Qaar ka mid ah dadkaan ayaa inoo sheegay in ay aadayaan meelaha kale ee ay u arkaan in ay nabad tahay, ilaa xal laga gaaro dagaalka degmadaasi iyo deegaano ku dhaw ka socda.



From the comments