Ciidamada Booliiska ee dowaldda Federaalka Soomaaliya iyo kuwa Booliiska ee AMISOM ayaa xalay waxa ay howlgal balaaran ka sameeyeen degmada Xamarweyne ee magaalada Muqdisho.
Howlgalkaan ayaa ahaa mid lagu baarayay dhamaan xaafadaha ay ka kooban tahay degmadaasi, waxaana ciidamada ay guri guri u galeen guud ahaan degmada Xamarweyne.
Gudoomiyaha degmada Xamarweyne Cabdiqaadir Maxamed Cabdiqaadir oo u waramay Goobjoog, waxa uu sheegay in howlgalkaan lagu soo qabtay ilaa 200 oo qof, kuwaa oo meel banaan ah la’isugu keenay, baaritaan ka dib 6 qof lagu tuhmay in ay xiriir la leeyihiin Al-shabaab, sidaasna baaritaan loogu waday.



From the comments