Deegaanka Bariire ee gobalka Shabeelaha Hoose waxaa laga soo sheegayaa in dad badan ay kula il daranyihiin cudurka Duumada (Malaria) iyadoo aan lahayn goobo caafimaad oo dadkaasi lagu daweeyo.
Maalinba maalinta ka dambeysa waxa uu cudrkaan soo ridanayaa dad u badan caruur iyo sidoo kale dad da ah oo ku nool deegaankaasi, iyadoona hadda dadkii ugu badnaa ay xaafadahooda la jiifaan xanuunka Duumada.
Xuseen Cali oo ka mid ah waxgaradka deegaanka Bariire ayaa u sheegay Goobjoog Fm, in xaaladda ay kasii darayso, hadii aan wax loo qaban dadka xanuunsanayana ay macquul tahay xaaladda in halka ay joogto iska sii bedasho.



From the comments