Gudoomiyaha Gobalka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho, Xasan Maxamed Xuseen Muungaab ayaa sheegay in loo baahan yahay cid walba oo soo galaysa magaalada Muqdisho in lala socdo, lagana warhaayo meesha ay kusoo wajahanyihiin.
Muungaab oo maanta furay barnaamijka Dariseynta degmooyinka ee gobalka Banaadir, kaa oo ka bilawday degmada Waabari ayaa sheegay in barnaamijkaan qorshaha laga leeyahay uu yahay in la ogaado cid walba oo joogta magaalada Muqdisho.
Waxa uu sheegay Gudoomiye Muungaab in meel walba oo laga soo galo magaalada Muqdisho lagu ogaanayo dadka soo galaya, islamarkaana cid walba la weydiin doono halka ay u socoto, sidaana ay ku sahlanaaneyso in laga war hayo qof walba oo Muqdisho joogta.



From the comments